Dhawaaqa dhiilada leh ee dheguhu maqlayaan xumaa 😠Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, waxaan ka tacsiyeynayaa helyeeyadii hawlgalka Calmiskaad kaga dhintay ururka 21aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu ahaa Degmada Buraan.
1. Taliyihii Ciidanka Kabtan Cabdisalaan Mustafe Cabdullaahi ( Reer Xaaji, Gaashaanbuur, Warsangeli)
2. Cabdiwadduud Cali Muuse ( Reer Xaaji, Gaashaanbuur, Warsangeli)
...3. Seyyid Maxamud Siciid ( Reer Xaaji, Gaashaanbuur, Warsangeli)
4. Ilkacase Maxamed Xassan ( Reer Xaaji, Gaashaanbuur, Warsangeli)
5. Maxamed Cabdirisaaq Salaad ( Ogayslabe, Warsangeli)
Ilaahay haw naxariistu waxay ku dhinteen dagaal xaq ah intii ka dhaawacntayna Ilaahay haw boogo dhayo.
Ciidankani dhamaantood waxay ka tirsanaayeen ciidanka Gaashaanbuur ee Buraan laga soo qaaday taas oo markale muujinaysa Dowlada Puntland inay ku guuldaraysatay inay ciidanka isku dhafto si culaysku uusan ugu dhicin hal beel arintaas oo joogto noqotay.
Dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo ciidankii ay ka bexeen ayaan u tacsiyeynayaa si gaar ay dadka degmada Buraan oo qiimo sare ku bixiyey dagaalka Calmiskaad.